Baarlamaanka Puntland Oo Aqbalay Codsigii Madaxweyne Deni Ee Heshiiska Dekeda Boosaaso – VIDEO

Published: November 28, 2020

Golaha Wakiillada Puntland oo maanta yeeshay kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad, ayaa ka doodi lahaa heshiiska DP-world, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada u ololeynayeen in laga noqdo heshiiska DP-world maadaama shirkaddu fulin weyday ballamihii lala galay.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 xildhibaan ayaa loo gudbiyey codsiga madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee dekadda magaalada Boosaaso.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa aqbalay codsigaas uga yimid madaxweyne Saciid Deni, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 xildhibaan, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa golaha wakiillada Puntland yeelan doona kulanka la xisaabtanka golaha xukuumadda, isla markaana ay hortagi doonaan wasiiro ka tirsan dowlada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *