Hiiraan: Xiisad ka taagan Beledweyne iyo ciidamo is-horfadhiya

Published: November 28, 2020

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayey maanta ka socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Hirshabelle, xili ay is-horfadhiyaan ciidamada Dowlada Federaalka iyo Ciidan Beeleed kasoo horjeeda Hirshabelle.

Ciidamada Nabadsugida ee Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa militariga ee SNA ayaa gaaray deegaanka fariisinka u ah maleeshiyo kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo kasoo horjeeda inuu gobalka Hiiraan yimaado Madaxweynaha Hirshabelle ee lagu doortay dhawaan magaalada Jowhar.

Maleeshiyaadkan ku sugan deegaanka Ceelgaal oo 13km dhanka waqooyi-bari uga beegan magaalada Beledweyne ayaa waxaa hogaamiya nin lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaan (Jeneraal Xuud).

Xuud iyo maleeshiyada uu hogaamiyo ayaa labo goor baajiyey booqashadii Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu ku tagi lahaa magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay inay dagaal kala hortagi doonaan, waxaana fashilmay dadaalo lagu doonayey in lagu xaliyo xiisadan.

Xiisadan oo salka ku heysa murrankii ka taagnaa dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle ayaan illaa iyo hada la xalin iyadoo in badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan ay dhaliilsanyihiin awood-qeybsiga maamulkaasi.

Cabsida hada jirta ayaa ah in dagaal ka dhaca magaalada Beledweyne uu sii xumeyn karo amaanka gobalka iyo xiisadii horey u taagneyd.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *