Isku-shuban Oo Golle Deegaan Loo Dhisayo – VIDEO

Published: November 28, 2020

Wafdi isugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, wasiirka tamarta iyo macdanta Puntland Axmed Taaraan iyo taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Xuseen Cali ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Isku-Shuban.

Ujeedka safarka masuuliyiinta ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo golaha deegaanka degmada Isku-Shuban, wacyi galinta hannaanka geedi socodka dimuquradiyada Puntland.

Waxay kulan la qaateen maamulka degmada, waxgaradka IYO odayaasha degmada Isku-Shuban ee gobalka Bari, iyagoo kala hadlay doorka uga aadan dhismaha golaha deegaanka Isku-shuban, xoojinta amniga, wada shaqeynta dowlada iyo bulshada.

Ugu danbeyn kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan waxaana lagu ballamay in sida ugu dhakhsaha badan odayaashu usoo gudbiyaan liiska xubnaha golaha deegaanka degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *