Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirka Sweden Oo Ku Kulmay Garoowe

Published: November 28, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wada hadlay mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *