Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Qoyska Gen. Khaliif Ciise Mudan

Published: November 28, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa la kulmay qoyska alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo shalay Jimcadii lagu aasay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa mar kale qoyska uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid, taasi oo uu sheegay inay dhamaan wada taabatay shacabka iyo dowlada Puntland.

Wuxuu sheegay inuu ahaa walaal ku weyn, isla markaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax badan usoo qabtay, wuxuuna ugu dambayn ilaahey uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

” Waxaan caawa la kulmay qosykii uu ka geeriyooday AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan, waxaan mar kale uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid, taasi oo dhammaanteen ina wada taabatay.AHUN Gen. Khaliif wuxuu ahaa walaal inagu weyn oo dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyay, waxaan alle uga baryayaa inuu jannadii geeyo, Aamiin”.

Madaxweyne Deni

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *