Safarkii Qarsoodiga ahaa ee Xoghayaha Gaashandhiga Maraykanka ku yimid Muqdisho – Sawiro

Published: November 28, 2020

Jimcihii shalay ayaa waxa booqasho aan horey loo shaacin caasimada Soomaaliya ku tagay Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller.

Miller ayaa booqashadan ku maraya 4 wadan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, xili ay xukuumada Maraykanka ee Trump sheegayaan inay ciidamadooda kala bixi doonaan wadamada Soomaaliya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho inuu la xariiray booqashadan qarsoodiga ah ee Wasiirka Difaac Maraykanka ku yimid Muqdisho, qaraxaasi ayaa lala beegsaday makhaayad u dhaw Madaarka Muqdisho oo ay inta badan fadhiisan jireen saraakiisha socdaalka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadka rayidka ah.

Safarka Miller ayaa ah midkii ugu horeeyey tan iyo markii xilka loo magacaabay, wuxuuna sidoo kale booqday magaalada Jabuuti, halkaasi oo uu kula kumay Saraakiisha Africom ee halkaasi saldhigoodu yahay.

Warbixin kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) Arbacadii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowlada Soomaaliya aysan weli awood ullahayn inay kaligood la dagaalamaan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ka jooga dalka Soomaaliya ayaa gaaraya 700, kuwaasi oo qeyb ka ah heshiiskii Maraykanka wax ka saxiixay ee shirkii London 2017 oo ay ku balanqaadeen inay tababari doonaan ciidamada Komandooska Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Maraykanka ku dhawaaqo tirada ciidamada ay kala bixi doonaan Soomaaliya.

Xoghayaha Gaashaandhiga Miller ayaa booqashada ku maraya dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Baxreyn iyo Qatar.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *