Macalin Ilkacase Iyo Kooxdiisii Oo Dil Toogasho Lagu Fuliyey – VIDEO

Published: November 29, 2020

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay dhagar qabe Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo rag ka tirsanaa shabkadiisa, kuwaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Fagaaraha dugsiga booliska ee jeneral Kaahiye ayaa lagu toogtay seddexda nin oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, ayaa ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raga la toogtay ay dileen dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. 4.5 waaye miyaa. sedaxdaan alshabaab waxaa ka horeeyay kuwa kaloo fara badan oo dil ku xukunaa oo alshabaab ahaay oo dilka lagu xukumay 2017,2018,2019 aawey kuwaas somaliya wali cadaalad kama jirto kuwa kale waa qabiilo aan aheyn 4.5 arinta waa sidaas ee si cadaalad iyo xaq oo alah ka cabsi haloo rido xukunada maxkamadaha