Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Daahfuray Buugga Sahanka Caafimaadka

Published: November 29, 2020

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay magaalada Garoowe ka daahfuray Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland.

Buuggan oo ay muddo labo sano ah ka wada shaqeynayeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Caafimaadka, wuxuu soo bandhigayaa xogta caafimaad, sida cudurada ka jira Puntland, talaalada loo hayo, da’aha dadka Puntland, tirada dadka reer guuraaga ah, tirada lab iyo dhedig iyo dhammaan xogaha arrimaha Bulshada oo lagu muujiyay boqoley.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay in la helo Buuggan oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee lasoo saaro burburkii kadib, waxaana uu qeyb ka qaadanayaa in qorshaha Dowladda ee waxqabad dhinac walbo lagu jaangooyo baahiyaha iyo xogta buuggan uu xambaarsan-yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *