Buuq Hareeyey Fadhiga Maanta Ee Baarlamaanka Puntland – VIDEO

Published: November 30, 2020

Golaha wakiilada Puntland oo maanta isugu yimid fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee golaha ayaa waxaa ka dhashay buuq sababay in la hakiyo fadhigii baarlamaanka kadib markii ay xarunta ka baxeen qaar kamid ah xildhibaanada.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hakiyey fadhiga, wuxuuna sheegay inay is-hortaag ku sameeyeen 5 xildhibaan habsami u socodkii Shaqada Golaha.

Xildhibaano tiradoodu gaarayso ilaa dhowr iyo toban mudane oo qabtay shir jaraa’id ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka inuu lahaa sababta buuqa keentay kadib markii uu diiday in si hoose loo dhameeyo tabasho ay qabeen xubno kamid golaha.

Walaac ayey ka muujiyeen amniga xarunta baarlamaanka Puntland, kadib markii uu guddoomiyuhu ilaaladiisa gaarka ah amray inay soo galaan fadhiga baarlamaanka, waxay xukuumada Puntland ugu baaqeen inay la wareegto amniga xarunta golaha wakiilada.

Ajandaha maanta ayaa ahaa la xisaabtanka golaha xukumadda, waxaana horyimi wasiirka wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha Iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *