Sh/Hoose: Dagaal dhexmaray Al Shabaab iyo Komandooska Gorgor

Published: November 30, 2020

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ayaa la sheegay inay weerar qorsheysan la beegsadeen xarumo ay Al Shabaab ku lahayd deegaanka Mara-Cadde ee gobalka Shabeelada Hoose.

Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada-hoose.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab looga dilay 17 qof loogana dhaawacay 6 kale sida ay sheegtay warbaahinta Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay inay burburiyeen isbaarooyinka ay Al Shabaab dadka lacagta uga qaadi jirtay iyo xarumahooda goobtaasi ku yaal sida Maxkamada iyo xafiiska maaliyada ee Al Shabaab deegaankaasi ka sameysatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *