Madaxweynaha Soomaaliland Oo Qaabilay Safiirka Dalka Czech

Published: December 1, 2020

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku tegay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xiriir rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga Somaliland ay halkan ku gaareen, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta iyo inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku tegay Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *