Midowga Musharaxiinta Oo Ka Hadlay Go’aankii Dalka Looga Eryey Safiirka Kenya

Published: December 1, 2020

Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2020/21 oo ka hadlay ayaa walaac ka muujiyey go’aankii dowlada federaalka Soomaaliya ku amartay inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto Safiirka Kenya Lucas Tumbo.

War qoraal oo kasoo baxay midowga musharaxiinta ayaa go’aanka Xukuumada madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid hoos u dhac ku keenaya xiriirka labada dalka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa caddeeyay inay ka welwelsan yihiin saameynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida Ganacsiga ku leh dalkaas iyo Ardayda halkaas waxbarashada u joogta.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *