Tababar loo soo xiray ciidamada Danab- Sawiro

Published: December 3, 2020

Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab, waxaana ciidankaan tababarka usoo xiray  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage.

Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dawladda mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin katirsan kumaandooska Danab, iyaddoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka  qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.

Waxay soo bandhigeen Ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay kamid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana  sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadayo cadawga argagixisada Alshabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *