Waan Waan laga dhex-wado Sacuudiga iyo Qatar

Published: December 3, 2020

Dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay khilaaf weyn u dhaxeeyey ayaa lagu wadaa inay gaaraan heshiis horudhac ah sida laga soo xiganayo Saraakiisha Maraykanka oo dhex-dhexaadintan wada.

Lataliyaha Madaxweynaha Maraykanka Jared Kushner ayaa Arbacadii shalay kulan magaalada Doxa kula yeeshay Amiirka Qatar, Kushner oo uu sodog u yahay Donald Trump ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro in heshiis la dhex dhigo Sacuudiga iyo Qatar.

Kushner ayaa horaantii asbuucaan magaalada Riyadh kulan kula soo yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo la sheegay inuu soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan wafdiga ka yimid Maraykanka.

Waan-Waantan ayaa ah mid u gaar ah Qatar iyo Sacuudiga, waxaana la sheegay inaysan qeyb ka ahayn dalalkii kale ee xulafada la ahaa Sacuudiga sida Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar.

Sacuudiga ayaa laga codsaday inuu qaado xayiraada dhanka cirka ah ee uu kusoo rogay Qatar, isla markaana ogolaado in duulimaadka Qatar ay isticmaalaan hawada wadanka Sacuudiga.

Boqortooya Sacuudiga ayaa todobaadkan sheegtay inay hawadeeda u fasaxday duulimaadka shirkadaha laga leeyahay Israel ee tagaya wadanka Imaaraatiga.

Imaaraatiga ayaa la sheegay inay weli meel adag ka taagan yihiin xiisada u dhaxeysa iyaga iyo Qatar, taasi ayaa keentay in laga reebo wadahadalada hoose ee hada socda.

Kaalintii Kushner ee xiisada Khaliijka

Jared Kushner oo Trump u qaabilsan siyaasada Barigga Dhexe oo ah maalqabeen Yahuud ah ayaa Shirkada Qoyskiisa khilaaf dhanka maalgashiga ah kala dhaxeeyey Qatar, isaga oo ka waayey lacago ay u balanqaadeen Boqortooyada Qatar, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka ahayd cadaadiskii Sacuudiga saaray Qatar.

Sacuudiga oo dano badan uga xiran yihiin Maraykanka ayaa si weyn ugala shaqeeya Xukuumada Trump gaar ahaan qoyska Trump danaha dhaqaale oo ay ka lahaayeen wadamada Khaliijka, arrintan oo keentay in xiisadan galaafato Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo kasoo horjeeday cunaqabateynta la saaray Qatar.

Qatar ayaa markii danbe ku khasbanaatay inay lacago maalgashi ku bixiso deymaha lagu lahaa Daarta dheer ee Qoyska Kushner ku leeyihiin magaalada New York ee loo yaqaan (666 Fifth Avenue).

Kushner oo horey u maalgelin jiray Yahuuda xagjirka ah ee dhulboobka ku heysa Falastiiiyiinta ayaa qeyb weyn ku lahaa taageeradii xooga lahayd ee Trump u fididyey Israel iyo waliba heshiiska la dhex dhigay Imaaraatiga, Baxreyn, Sudan & Israel.

Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa siidhamaanayo Donald Trump iyo qoyskiisa ayaa la sheegay in si gaar ah loogu leeyahay daynmo badan oo gaaraya boqolaal Milyan oo dollar, mana cadda inay taageero ka heli doonaan saaxiibadooda Carabta marka Trump xilka ka dego bisha Janaayo 2021.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *