Fadeexada Qareenkii Hantida Qaranka dhici lahaa iyo Dowladihii Soomaaliya -XOG

Published: December 4, 2020

Maalinimada Isniinta ah ayaa lagu wadaa in maxkamada gobalka Maryland ee dalka Maraykanka lasoo taago Qareen u dhashay Maraykanka oo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu lunsado Hantida Qaranka Soomaaliya ee ku xayiran bangiyadda dalka Maraykanka.

Qareenkan oo lagu magacaabo Jeremy Wyeth Schulman ayaa la sheegay intii u dhaxeysay sanadihii 2010-2014 uu qoraalo faalso ah u gudbiyey bangiyadda Maraykanka si loo fasaxo Hantidii Qaranka Soomaaliya ee la xayiray xiligii uu socday dagaalka Sokeeye.

Hantidan Qaranka Soomaaliya uga xayiran Bangiyadda Caalamiga ah ayaa gaareysa boqolaal malyan oo dollar.

Qareenkan oo u shaqeenayey Shirkad Qareenada oo la sheegay inay heshiis la gashay dowladii Federaalka Soomaaliya, shirkadan oo lacag gaareysa $3.3 milyan u qaadatay shaqadii ay u qabaneysay sida la sheegay Dowlada Soomaaliya.

Walow Shirkadan aan lagu magacaabin dokumentiga maxkamada loo gudbiyey.

Xukuumadihii Shariifka iyo Xassan Shiikh
Waxaa la xasuustaa in Xukuumadihii hore ee Shiikh Shariif Axmed iyo Xassan Shiikh Maxamuud ay horey heshiis la xariira soo siideynta Hantida Qaranka Soomaaliya ee dibada taal la gashay Shirkada lagu magacaabo Schulman Rogers, heshiisyadan oo sababay Fadeexadii iyo iscasilaadii Guddoomiyihii hore ee Bangigga Dhexe Yussur Abrar.

In ka badan 12 Milyan oo dollar ayaa la rumeysan yahay in loo fasaxay Dowlada Soomaaliya lacagtaasi oo aan la ogeyn inay dhamaanteed ku dhacday khasnada Bangigga Dhexe ee Soomaaliya.

Xukuumada Farmaajo

Sida Horseed Media ka heshay xogta Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka, Qareenkan Jeremy Wyeth Schulman ayaa isla sanadkii hore 2019 heshiis kula jiray dowlada Soomaaliya isagoona u doodayey ama wakiil ka ahaa Taliyaha Booliiska gobalka Banaadir Saadaq Maxamed (John).

Saadaq John ayaa lagu eedeeyey weerarkii lagu qaaday gurriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xukuumada Farmaajo ayaa lacag ka badan $75-kun oo dollar ku bixisay Qareenkan Jeremy Wyeth Schulman inuu ka difaaco Saadaq John danbiyada loo heystay ee weerarkii gurriga Cabdiramxaan Cabdishakuur. (Hoose ka eeg Sawirka lacagaha Qareenkan lasiiyey).

Jeremy Wyeth Schulman ayaa bishii Oktoober ee sanadkii hore 2019 wareysi uu siiyey idaacadda VOA ku difaacay Saadaq John isagoo ka jawaabayey warbixin ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xayiraada Soomaaliya saaran oo ka warbixiyey weerarkii  lagu qaaday xarunta xisbiga Wadajir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. [Hoos ka dhageyso Wareysigaasi]

Qareenkan lasoo shaqeystay xukuumadihii Soomaaliya ee Shiikh Shariif, Xassan Shiikh iyo midda hada joogta ee Farmaajo ayaa iska fogeeyey eedeynta loo heysto sida uu sheegay qareenka isaga u doodaya oo lagu magacaabo Paul Butler.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Horta akhbaartaan waxbaa isku qasan, mana lafahmikaro ujeedada loo qoray. Ma group ka Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo Xasan Cali Khayre ayaa lugu taageerayaa oo sadexda musharax ee La tartamidoonaa ayaa jambal loo tuurayaa! Makala xadda fadeexadna lama orankaro waxaanoo kale. Nimanyahoow noqda dad ilvax ah oo ka fogaada wararka noocaan oo kale ah marka doorashooyinku soo dhaw yihiin. Waxaad carqaladeeyn galineeysaa siyaasadda dalka iyo kalsoonida shacabka.
    Waan ognahay dawlad kastoo Soomaaliya ka talisa kharash yari baa saameeysa mana haystaan dakhli rasmi ah oo ku filan inuu daboolo baahiyaha tirada badan kaga baahan inay dabaraan.
    Mushaarka shaqaalaha dawladda, ciidamada iyo mashaariicda dawladdu gacanta ku hayso.
    Yaan xanta layskala boodin oo wixii jira waqti munaasib ku ah halasoo bandhigo. Mahadsanidiin