Golaha Wasiirada Soomaaliland Oo Ansixiyey Miinsaaniyada 2021

Published: December 5, 2020

Golaha Wasiiradda Soomaaliland oo maanta yeeshay fadhi aan caadi ahayn oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu ansixiyey miinsaaniyada dowlada ee sanadka 2021.

Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:

1. Amniga

2. Caddaaladda

3. Caafimaadka

4. Waxbarashada

5. Wax-soo saarka

6. Deegaanka

7. Tamarta

8. Maamul wanaaga

9. Doorashooyinka

10. Ictiraafka

Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *