Jubbaland Oo Mar Kale Codsatay In Gacanta Loo Galiyo Gobolka Gedo

Published: December 6, 2020

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo mar kale ka hadashay doorashooyinka Soomaaliya 2021 ayaa sheegtay inay diyaar u tahay doorasho waqtigeeda ku dhacda, kuna saleeysan hufnaan loona dhan yahay oo ah xor iyo xalaal.

War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa mar kale ku codsatay in gacantooda lagu soo celiyo gobolka Gedo oo ay maamusho ciidanka dowladda federaalka ay kal horey halkaas ku daabushay, waxaana Maamulka uu sheegay in Ciidankaas yihiin Jabhad ka amar qaata Saraakiisha Nabadsugida dowladda.

Dhanka kalena waxay ugu baaqeen madaxda dowladda Federaalka inay iska dhago tiraan digniinaha uga imaanaya midowga musharaxiinta madaxweynaha, isla markaana lagu dalbanayo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *