Madaxweyne Deni Oo Ku Baaqay In Ciidamada Federaalka Laga Saaro Gedo

Published: December 7, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta habka fogaan aragga ee ZOOM-ka ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen madaxda dowladda Federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada, wuxuu Madaxweynuhu ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey, si ay ugu suuragasho Jubaland inay halkaasi doorashada ku qabato.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrinta Shidaalka Soomaaliya, Puntland waxay ku baaqday inaan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo.

Puntland waxay soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *