Ganacsiga Magaalada Dekeda Leh Ee Boosaaso Oo Maalintii 5aad Xiran

Published: December 8, 2020

Waxaa albaabada loo laabay ganacsiga magaalada Boosaaso, waxaana maalintii shanaad xiran dekeda weyn ee magaalada kadib markii ganacsatadu ka hortimid go’aankii dowlada Puntland ku joojisay in Shilin Soomaali lagu qaado canshuurta kastamka dekedda Boosaaso.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah magaalooyinka kale ee Puntland. arrintan ayaa saamayn ku yeelatay guud ahaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga Puntland.

Ma jirto cid wali ka hadashay arrintan oo isaga wada timid kuwaas oo ka socda dowlada iyo ganacsatada, lamana oga cawaaqib xumada ay sababi karto haddii ay sii socoto.

Dowlada Puntland ayaa axadii 06/Dec/2020 waxay shaacisay in sarrifka halkii doollar lagu jaan-gooyay 35,000 oo shilin Soomaali ah si loo xakameeyo sicir-bararka, balse go’aankan ayaan wali ka dhaqangelin magaalada Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *