Guriceel: Weerarkii lagu dilay 6 sarkaal oo ka tirsan SNA qeybta 21aad

Published: December 10, 2020

Ugu yaraan lix sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Militariga qeybtooda 21aad ayaa ku dhintay weerar shalay gelinkii danbe ka dhacay duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.   

Saraakiishaas ayaa lagu weeraray deegaanka u dhaxeeya magaalooyinka Balanballe iyo Guriceel ee galbeedka gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa la rumeysan yahay inay geysteen maleeshiyo-beeleed u socday aano qabiil, kuwaasi oo la sheegay inay dileen qaar kamid ah Saraakiisha oo ay nolol ku qabteen, saraakiishan ayaa ka yimid tababar ay kusoo qaateen xerada ciidamada ee ku taal magaalada Guriceel.

Saraakiisha la sheegay in weerarkan lagu dilay ayaa waxaa kamid ah:

1- Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf

2- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune

3- Laba Xiddigle Faarax Jaamac Colaad

4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed

5- Gaashaanle Gaangul Xalane

6- Kabtan Siciid Xasan Faleey

Dhamaan saraakiishan ayaa kasoo wada jeeda deegaanka Balanballe, halka maleeshiyaadka dilkan geystay la sheegay inay kasoo jeedaan deegaanka Guriceel.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in illaa toddobo sarkaal ay geeriyoodeen laba kalana la’ yahay raq iyo ruux.

Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu uu dhawaan dadweynaha la wadaagi doono faah-faahinta weerarkaasi saraakiisha ciidamada dowladda lagu laayay.

Falkan ka dhacay gobalka Galgaduud ayaa laga cabsi qabaa inuu dab kusii shido xiisadaha u dhaxeeyey beelaha wadda degan gobalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *