Jowhar: Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Golaha Wasiirada Hirshabelle

Published: December 10, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey golaha wasiiradda tan iyo markii xilka loo doortay.

Cali Guudlaawe oo horey u qorsheenayey inuu xafladiisa caleemo-saarka ku qabto magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa ku guuleysan waayey booqashadii uu damacsanaa inuu ku tago halkaasi kadib markii shacabka Beledweyne ay dhigeen banaanbaxyo iyo rabshado ay uga soo horjeedaan maamulka cusub ee Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa kulankii shalay warbixinno kaga dhageystay wasiirada sii haya-yaasha ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, caafimaadka, boostada iyo isgaarsiinta, gargaarka, ganacsiga iyo wasiirka duulista hawada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *