Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo Soo Gaaray Garoowe

Published: December 10, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa galabta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Gen. Abshir ee Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tiran Puntland iyo qeybo kamid ah dadweynaha magaalada Garowe.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hor-dhac u ah booqasho uu maalmaha soo socda Ra’iisul Wasaare Rooble ku iman doono Puntland, kaas oo la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirkii saaxiibada Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay maalmo ka hor ka sheegay in uu sida ugu dhakhsiyaha badan safaro ugu tagi doono Garoowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mahamed Abdirizaq waa nin aabihii ugu daacadsanaa wixii wasiir Soomalia Soo maray isagana waan filayaa in uu raaco wadadii aabihii!!!