Galmudug oo Guddiga wasiiro ah u saartay saraakiishii lagu laayay Galgaduud

Published: December 11, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor qoor) ayaa guddi wasiiro ah u saaray in lasoo baaro weerarkii ka dhacay duleedka Gurcieel ee lagu dilay 6 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada SNA qeybtooda 21aad.

Guddigan oo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha  Axmed Macallin Fiqi ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Wasiirada Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, Taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanballe.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Galmudug Axmeed Shire Falagle oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxihii dilkaasi geystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *