Raysalwasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garowe, Puntland

Published: December 11, 2020

Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabnimadii Jimcaha ka degay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Karaash ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta dowlada Puntland ee Madaarka Gen.Maxamed Abshir kusoo dhaweeyey wafdigan ka yimid Muqdisho.

Wafdiga Rooble ayaa waxaa kasii horeeyey wafdi khamiistii Garoowe gaaray oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada.

Raysalwasaaraha ayey u tahay safarkiisii ugu horeeyey oo uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilka loo magacaabay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu wadahadal la galo Xukuumada Puntland oo si weyn u dhaliilsan qaabka loo wado nidaamka Doorashooyinka Federaalka.

Rooble oo horey u sheegay in xukuumadiisa ay diirada saari doonto qabsoomida Doorasho xor ah oo wakhtigeeda ku dhacda ayaa lagu wadaa in safarkiisan uu sidoo kale ku tago maamulka Puntland ay jaarka yihiin ee Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *