Ayax Xaaluf Ba’an Ku Haya Beeraha Gaalkacyo – VIDEO

Published: December 13, 2020
Geedka Babayga oo uu diirtay Ayaxu – duleedka Gaalkacyo

Waxaa saamayn ba’an ku yeeshay beerihii magaalada Gaalkacyo Ayaxa aad u badan oo xaalufiyey beeraha iyo dhuldaaqsimeedka Gaalkacyo, kaas oo diirtay kumanaan nooc oo geedo ah.

Kooxaha wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland ayaa wada howlgalo lagu xakamaynayo Ayaxan oo si wayn u saameeyey beeraha iyo dhuldaaqsimeedka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Ayaxan ayaa saamayn ku yeeshay inta badan gobolada Puntland sida gobolada Bari iyo Sanaag, wasaaradda deegaanka Puntland ayaana wada la dagaalankiisa, waxaana masuuliyiinta wasaaraddu codsadeen in Ayaxa goobaha uu joogo iyo ciribtirkiisaba ay bulshadu kala qaybqaadato.

Wasaaradda Deegaanka ayaa la dagaalanka Ayaxa u istimaalaysa diyaarado iyo gaadiid loogu talagalay sumaynta.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *