Madaxweynaha Soomaaliland Oo Gaaray Dalka Kenya

Published: December 13, 2020

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kenya ee Jomo Kenyatta kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo uu ugu horeeyo Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi maalinta berri ah uu la kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, kuwaasi oo aan la shaacin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.

Safarka madaxweynaha Soomaaliland uu ku tagey Nairobi ayaa kusoo beegmay xili uu khilaaf xoogan u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya oo ay safiiradii kala qaateen

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *