Maxkamada Sare Ee Puntland Oo Go’aan Ka Gaartay Dacwadii 8dii Xildhibaan

Published: December 13, 2020

Maxkamada sare ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah galabta ka gaartay talaabadii xil-ka-xayuubinta ahayd ee lagu sameeyey 8dii mudane ee ka tirsanaa baarlamaanka Puntland.

Maxkamada ayaa cadeysay inay sharci tahay xilka xayuubintii 3dii bishan December lagu sameeyey siddeedaas xildhibaan, kadib markii ay ku cadaatay eedaynta loo soo jeediyey, isla markaana sidaas kaga baxeen golaha wakiilada, iyagoona laga doonayo inay bixiyaan magdhowda qalab ay waxyeeleeyeen, waxaana go’aankan ku saxiixan 5ta Garsoore ee ay ka kooban tahay Maxkamadda sare ee Puntland.

Mudanayaasha xilka xayuubinta lagu sameeyey ayaa kala ah: Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah baarlamaanku u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay falkaasi inay ka dambeysay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. This court behaves like barbarian courts, even it abhorrent than samadiidow dabin baa kuu dhagan lagugudilidonee this so called court doesnot applied its own statues either local jurisprudence federal, laws Islamic laws. ( cajiib I used to argue with my pears in the school aisles and said you know this Caan is from the nomadic who has no characters of justice and abuses the masses. Cajabeey cajiibey nin aduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban what a sickness I guess that is what tribe can produce