Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynayaasha Kenya Iyo Soomaaliland

Published: December 14, 2020

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya.

Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya, labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.

Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka December 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay urur goboleedka IGAD.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *