Muuse Biixi Oo Dib Ugu Laabtay Hargeysa – VIDEO

Published: December 16, 2020

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo wafti uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka.

Waxaana madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, taliyayaasha ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *