Rooble: Galmudug waxaan ka dabageyn doonaa Maamuladii aan soo maray! – Video

Published: December 16, 2020

Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in wakhtiga yar ee u haray xukuumadiisa uu ka shaqeyn doono hourmarinta Galmudug.

Raysalwasaaraha oo xalay ka qeyb galay xaflad casho sharaf ah oo uu maamulka Galmudug u sameeyey wafdigiisa ayaa khudbad uu halkaasi kasoo jeediyey sheegay in uu Galmudug ka caawin doono dhanka horumarka.

…Inkastoo wakhtigeyga yaryahay waxaan isku dayayaa in Galmudug aan ka daba-geeyo maamuladii kale ee aan horey usoo maray…”

Maxamed Xuseen Rooble

Raysalwasaaraha oo shalay dhagax dhigay dhismaha Airportka Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqi doono inay Galmudug ka hawlgalaan.

RW.Rooble ayaa dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kooxdii ka danbeysay dilkii 6 sarkaal oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo lagu dilay duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Falkaasi ka dhacay deegaanka Guriceel 9kii bishan ayaa la sheegay inuu la xariiro aano qabiil, dhamaan saraakiisha lagu dilay weerarkaasi ayaa kasoo jeeda deegaanka Balanballe halka kuwa dilka geystay la sheegay inay kasoo jeedaan Gurcieel.

Wararka kasoo baxaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in laga yaabo in Rooble uu booqasho ku tago magaalada Caabudwaaq xili uu xalay kulamo la yeeshay qaar kamid ah odey dhaqameedka ku sugan Dhuusamareeb.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *