Xulka Kubada Cagta Puntland Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: December 17, 2020

Xulka kubada cagta Puntland oo maanta ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho halkaas oo uu dhowaan ka furmi doono koobka dowladd goboleedada iyo gobolka Banaadir.

Waftiga ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey Masuuliin ka tirsan xiriirka Kubada cagta Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xulka Puntland ayaa waxaa hogaaminaayey Wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Axmed Cabdalla Tigaana iyo madax ka tirsan xiriirka kubada cagta Puntland, agaasimaal iyo masuuliyiin kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *