Faahfaafin: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Published: December 18, 2020

Waxaa qarax ismiidaamin ah uu galabta ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubada Cabdillaahi Ciise ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ka socotay qabanqaabada soo dhowaynta raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qarax oo uu geystay qof ismiidaamiye ah oo taagnaa irida hore ee garoonka ayaa isku qarxiyey gaari sii galayey oo ay saarnaayeen saraakiil iyo masuuliyiin kale, waxaana kamid ahaa Taliyihii qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Gen Qooje Dagaari, taliyaha ciidanka Danab Mukhtar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyihii hore gobolka Mudug, Maxamuud Yaasiin Tumey, kuwaas oo intooduba ku geeriyooday.

Lama oga cidii ka dambeysay qaraxan, mana jirto cid sheegatay, dowlada federaaka iyo Galmudugna wali kama hadal dhacdadan, waxaana kacsan xaalada magaalada Gaalkacyo.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment