Gaalkacyo: Aas Qaran loo sameeyey dadkii ku dhintay Qaraxii Stadium Cabdulahi Ciise

Published: December 19, 2020

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa maanta aas-Qaran loogu sameeyay Saraakiishii shalay lagu laayay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee kuyaala magaalada Gaalkacyo.

Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, Wasiiro ka socda Puntland iyo Galmudug, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo mas’uuliyiinta kale ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ka qeyb-galay aaskan-Qaran.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sheegtay kooxda Al Shabaab, waxaana weerarkaasi dadkii ku dhintay ka kamid ahaa Taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka milatariga Soomaaliya, Taliyihii ciidamada Danab iyo kuxigeenkiisa, iyo waliba Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *