Kenya oo lagu eedeeyey hubeynta Jamhad weerar ku qaada Beled Xaawo

Published: December 19, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtey Dowladda Kenya, kadib markii ay Soomaaliya sheegtey in Kenya waddo abaabulka Jamhad la doonaayo in lagu khalkhal geliyo amniga magaalada beled Xaaqo.

Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya waxaa la sheegay in ay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda deegaanka Mandheera, kaas oo lagu abaabulaayo malayshiyaad hubeysan oo weerar ku qaada magaalada Beled Xaawo ee gbolka gedo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *