Madaxweynaha Hirshabelle oo wakhtiga magacaabista Xukuumada loo kordhiyey!

Published: December 19, 2020

Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta yeeshay Kalfadhigoodii 1aad ayaa wakhtiga magacaabista Xukuumada u kordhiyey Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo aan weli soo dhisin Golihiisa Wasiirada.

Muddo 45 cisho ah ayey Xildhibaanada ansixiyeen in loogu daro wakhtiga Madaxweynaha ku dhisayo Golaha Wasiirada sida uu isagu codsaday.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inay kordhiyeen muddo xileedka Xukuumada iyo Baarlamaanka oo ay ka dhigeen shan sano, halka markii hore uu ahaa 4 sano.

Cali Guudlaawe ayey culeyso kala duwan ka heystaan maamulkiisa gaar ahaan xiisada ka taagan gobalka Hiiraan oo ay weli ka jirto kacdoon looga soo horjeedo maamulkiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *