GEDO: Federaalka oo ciidamo horleh geeyey Doolow

Published: December 20, 2020

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Komaandooska Soomaaliya ee Gorgor ayaa maanta gaaray magaalad Doolow ee gobalka Gedo.

Ciidamadan oo diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho ayaa xoojin doona ciidamadii Dowlada Federaalka ee horey ugu sugnaa gobalkaasi xili ay sii xoogaysatay xiisada u dhaxeysa Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubaland.

Imaanshaha ciidamadan ee Doolow ayaa imaaneysa xili dhaq dhaqaaq militari ay wadaan ciidamada Jubaland oo ku sugan qeybo kamid ah gobalka waxaana sidoo kale la sheegayaa in Dowlada Kenya ay ciidamo badan keentay xadka iyo nawaaxiga Beled-Xaawo.

Jubaland oo shalay soo saartay digniin ku socota dowlada Federaalka farogelinta ay ku heyso ismaamulkaasi iyo gobalka Gedo ayaa sheegtay inay iska difaaci doonaan duulaanka uga imaanaya dhanka Xukuumada Federaalka oo salka kuhaya maamulida gobalka Gedo gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey shuruud ugu xiray hirgelinta heshiiskii Doorashooyinka in marka hore maamulka Jubaland loo madax baneeyo maamulida doorashada ka dhaceysa gobalada ay maamulaan si lamid ah maamulada kale ee dalka ka jira.

Dhinaca kale dowlada Federaalka ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay dowlada Kenya oo la sheegayo inay taageero la garab taagan tahay maamulka Jubaland, iyadoo Villa Soomaaliya ku eedaysay Kenya inay farogelin ku heyso madax-banaanida Soomaaliya.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *