Karaash Oo Daahfuray Wajiga 2aad Ee Dhismaha Wadada Ceeldaahir & Ceergaabo – VIDEO

Published: December 22, 2020

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo lagu bilaabay laami saarka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha wadada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo kawada qeyb qaatay.

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay wadadan, laami saarka wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaana bilow u ah in laga guul gaaro mashruucan, oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo qaab isku tashi ah looga hirgeliyo Puntland.

Dowladda Puntland ayaana sheegay inay sida ugu wanaagsan uguna dhakhso badan ku dhameystirayso mashruucan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment