Deni iyo Qoor-qoor Oo Ku Shiraya Gaalkacyo – VIDEO

Published: December 24, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa maanta shir iskaashi ah uga furmay xarunta madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlaya Iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada amniga, isdhexgalka bulshada iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashadda 2021.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya, xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya, wasiiro, guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee labada dhinac ee gobolka Mudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *