Muranka doorashada heshiis miyaa laga gaarey?

Published: December 24, 2020

Kadib kulamo isdaba joog oo ah oo lagu qabtey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho bilihii Luuliyo ilaa Siteembar 2020, waxaa qalinka lagu duugey heshiis siyaasadeed oo lagu hagaayo doorashada 2020/21, waxaana heshiiskaas sharci kumeel gaar ah u bedelay labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa haddaba adkaatey dhaqan gelinta heshiiska, waxaana la dhaafey xiliyadii iyo habraaca jadwalka Doorashada, waxaana maalmo yar ka dhiman yihiin xiligii uu ku ekaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba muranka keenay in la dhaqan geliyo sharciga doorashada dadban, ayaa waxaa saldhig u ahaa:

  1. Gobolka Gedo oo la doonaayey in lagu qabto doorashada oo ka maqan maamulka Jubaland ee Kismaayo.
  2. Qaar kamid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka oo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyadu ku dareen xubno aan dhex-dhexaad noqon karin.
  3. Cidda maamuleysa doorashada Xildhibaanada Somaliland ama beesha Dirta Waqooyi.

Saddexdaan arrimood waxay gundhig u ahaayeen khilaafka cusub ee dib u dhigey hirgelinta doorashada.

Raydalwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan Puntland u yimid sidii loo magacaabi lahaa guddiga doorasho ee heer Dowlad goboleed, loogana gudbi lahaa khilaafka, laakiin booqashadaas ayaa ku dhamaatey fashil.

Warar Horseed soo gaaraya ayaa sheegaya in maalmihii u danbeeyey socdey wada hadal hoose, oo lagu gelaayey khuadka isgaarsiinta kaas oo isu soo dhawaansho laga sameeyey waxaana kamid ah oqodbada la iska fahmey.

  • In madaxweyne Farmaajo dib u dib u geeista dastuurka lana sugo Baarlamaanka cusub
  • In Doorashooyinka lagu qabto magaalo Madaxyada dowlad goboleedyada, iyada oo la og yahay labada Dowlad goboleed ee keliya ee ku qaban kara labo magaalo ay yihiin Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ay dhici karto in loo oggolaado in sideedi horey ay u qabsan karaan, laakiin si loo xaliyo arrinta Gedo waxaa lagu soo ururshey Caasimadaha.
  • In qaar kamid ah guddiga doorashada la beddelo.
  • Qodobkii Xildhibaanada Somaliland ayaa u muuqda in lagu soo koobey in lala tashto guddoomiyaha Aqalka sare halka aan wax rool ah la siin.

Haddaba haddii uu sax yahay warka hoose ee Horseed Media soo gaarey ayaa Dowladda federaalku ku dhiiratey in ay muddeyso xilliga ay dhacayso doorashada Aqalka sare oo ka bilaameysa bishan dhamaadkeeda ilaa 06 janaayo 2021.

Laakiin waxaa si weyn uga horyimid Musharixiinta ku sugan magaalada Muqdisho oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud iyo raysalwasaarihii hore Xassan Kheyre, waxaana ay sheegeen in doorasho aysan oggoleyn ay noqon doonto mid aan shaqeyn inkasta oo aysan qayb ka ahayn heshiiskii siyaasadeed.

Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi safar ku tegi doono magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay ku wada hadli doonaan Madaxweynaha Galmudug, kadibna safar Muqdisho lagu wada tegi doono.

Maxamed Cismaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *