Deni: ” Dowladu waxay go’aansatay in 10% canshuurta dekeda Boosaaso lagu qaado Shillin Soomaali ” – VIDEO

Published: December 26, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo caawa qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay banaanbaxyada ka dhan ah sicir bararka ee ay shacabku ku muujinayaan dareenkooda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay kadib markii ay la tashiyo ku saabsan sarifka doollarka dowladu la yeelatay aqoonyahanka iyo bulshada inay go’aansatay in canshuurta dekeda Boosaaso lagu qaado shillin Soomaali 10%.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay banaanbaxii ka dhacay magaalada Garoowe, maadaama uu ka weynaa banaanbax ku kooban sicir barar, kadib markii ay ganacsatada iska fogaysay tallaabadaasi isla markaana wax raad ahna ku lahayn.

Wuxuu sheegay inay dowladu ogtahay dadkii ka dambeeyey mudaaharaadkii ka dhacay magaalada Garoowe, isla markaana ay doonayaan inay hoos u dhigaan sharafta Puntland.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay inay ka qaybqaataan Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka gaar ahaan magaalada Garoowe, oo ay kasoo qaybgalayaan masuuliyiin sarsare oo isaga imaanaya dalka iyo dibadiisa.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *