Guddoomiyaha Ahna Duqa Gaalkacyo Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyey

Published: December 26, 2020
Guddoomiyaha ahna duqa Gaalkacyo, Saahid Maxamuud Cali

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta shaqa-joojin ku sameeyay duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad, ayaa lagu caddeeyay Shaqa-joojinta Duqa Gaalkacyo inay timid, kadib markii uu soo baxay tuhun la xiriira in uu musuq maasuq ku sameeyay dhaqaalaha degmada Gaalkacyo.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegtay inuu guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal uu shaqada sii wado illaa amar dambe.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *