Karaash Iyo Mursal Oo Ku Kulmay Garoowe

Published: December 26, 2020

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa hoygiiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee DFS Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo maanta yimid magaalada Garoowe ayaa kulanka ay wada qaateen madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa noqonaya booqasho iyo isxog-waraysi.

Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa maanta soo gaaray wufuud kala duwan oo uu kamid ahaa guddoomiyaha aqalka sare iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *