Baaritaan iyo Daaweyn Loo Sameeyay Qaar Ka mid ah Maxaabiista Xabsiga Garoowe

Published: December 27, 2020

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland ayaa baaritaan iyo daweyn usamaysay 30 kami ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaaladda Garoowe kadib markii ay xabsiga booqdeen dhakhaatiir iyo xubno ka socda wasaaradda.

Taliye xabsiga Gashaanle Sare Mohamed Xuseen Xasan “Garyare waxaa uu sheegay in ay jiraan maxaabiis xanuuno sheeganaya, isagoo bogaadiyay booqashada iyo ka war qabka wasaaradda ee xabsiga.

Taliye Garyare ayaa sidoo kale sheegay in xabsigu leeyahay dhakhtar ugaar ah inta badana daweeya bukaanada maxaabiista ah ee xabsiga ku xanuusada, balse mararka qaarkood ay la soo daristo baahiyo dhanka dawada ah, wasaaraddana ay ka helaan dawooyinka ay rabaan balse ay koobantahay.

Farax Mohamed Warsame oo la taliye ka ah wasaarada caafimaadka ayaa ballanqaaday in wasaaradu ay si joogto ah uga warhayn doonto xaalada Caafimaad ee Maxaabisita ku xiran xabsiga Garoowe

Dhinaca kale, Xubnaha ka socday wasaaradda caafimaadka ayaa Kormeer ku sameeyay, islamarkaana waraysi la yeeshay maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiga ka shaqeeya xaaladooda caafimaad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *