DF oo diyaarisay Ciidamo u Gaar ah Sugida Amniga Doorashada

Published: December 27, 2020
Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada Fedraalka Faarax Cali Axmed

Wasiiru dowlaha amniga ee dowladda Federaalka ee Somaliya Faarax Cali Axmed ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay diyaarisay ciidamo u gaar ah sugida amniga goobaha doorashooyinka ee Heer Federaal.

Wasiirka oo la hadlay Telefishanka dowladda waxaa uu sheegay in xukuumadu ay dejisay qorshaha amniga doorashada taasi oo ka dhacayso 11 magaalo, waxaa kaloo uu sheegay in qorshahaasi ay heshiis ku wada yihiin dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Qorshaha Amniga doorashooyinka waa la dejiyay, dowlada federaalka iyo maamul goboleedyadu waa ka wada fariisteen, xubnaha ay khusayso Xamar ayaa la isugu keenay, qorshe la isla ogolyahay ayaa la dejiyay, waana la isku raacay, Ciidamo dheeraad ah ayaa la diyaariyay” Sidaas waxaa yiri Wasiir Faarax Cali Axmed

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in sidoo kale la diyaariyay dhaqaalihii loogu talagalay sugida amniga doorashooyinka Heer Federaalka.

Dhinaca kale, wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada sugaya amniga doorashada ee Heer federaal iyo Heer Maamul goboleed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *