Golaha Wasiirada Hirshabeelle Oo Ansixiyey Miinsaaniyadda 2021

Published: December 27, 2020

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa shirka golaha wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Waasarada Kaluumeysiga, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Badroolka, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Dastuurka.

Golaha Wasiirada Maamulka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2021 ee Hirshabeelle oo Todobaadkii hore Golaha ay usoo gudbisay Wasaarada Maaliyada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ayaa loo gudbin doonaa Miisaaniyadda sanadka 2021, si ay u ansixiyaan Miisaaniyada, iyagoona cod gacan taag ah u qaadi doona.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *