Guddiga Doorashada ee Heer Federaal oo Baaq u Diray Dowladda Goboleedyada

Published: December 27, 2020

Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa dowlada goboleedyada Looga codsaday in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada heer federaalka.

Si doorashadu xiligeed ku qabsoomto waxay guddiga doorashada Heer federaal waxay ku booriyeen Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada in ay qaataan kaalintooda kaga aadan hirgelin doorashada.

Halka ka akhriso qoraalkii guddiga doorashada

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *