Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Garoowe

Published: December 27, 2020

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Eng. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdigiisa ayaa maalmaha soo socda arrimo shaqo u joogi doona Garowe, iyagoo halkaas kaga qaybgali doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *