Wafdi Uu Hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud Oo Gaaray Garoowe

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga midowga nabada iyo horumarka ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xasan Shiikh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Wafdiga Xasan Shiikh oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin uu ka mid yahay Abshir Bukhaari guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare, qaar ka mid ah golaha Midowga Musharixiinta, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ayaa ka qeyb galaya Madasha Aragti Wadaaga ee HERITAGE INSTITUTE, taas oo sanadkan 2020 markii ugu horeysay dalka lagu qabanayo kana furmaysa magaalada Garoowe.

Horseed Media