Madaxweynaha Jubaland oo Garowe lagu soo dhaweeyey – Sawiro

Published: December 28, 2020

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray caasimada Puntland, halkaasi oo uu ka furmayo shir looga hadlayo xaalada siyaasada iyo amniga Soomaaliya.

Wafdiga Jubaland ayaa waxaa Madaarka Garowe kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo xubno kamid ah Golayaasha Dowlada Puntland.

Garowe ayey horey ugu sugnaayeen wafuud ka kala timid Galmudug iyo Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Madaxweynaha Galmudug, Guddoomiyayaasha Golayaasha Federaalka, qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha oo uu ku jiro Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale oo badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *