Midowga Yurub oo bilaabay Talaalka Covid-19

Published: December 28, 2020

Wadamada Midowga Yurub ayaa bilaabay shalay talaalka looga hortagayo cudurka Covid-19, dalalka Yurub ayaa doonaya in bilaha soo socda la talaalo in ka badan 450 milyan oo qof.

Talaalka ayaa isku mar ka bilowday wadamada Midowga Yurub, iyadoo horey talaalkan looga bilaabay dalalka Maraykanka iyo UK.

Dadka waayeelka ah iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa noqon doona dadka lasiinayo talaalkan si looga hortago khatarta cudurka Covid19.

Dalalka Talyaaniga iyo Spain oo ah wadamada Yurub ee uu khasaaraha ugu badan ee dhimashada ka geystay cudurka Covid19 ayaa rajeenaya in talaalkan uu xakameeyo faafida cudurkan halista ah.

Inta badan dalalka Yurub ayaa maalmahan ku jira bandow saaran magaalooyinka waaweyn si loo xakameeyo isdhexgalka shacabka maalmaha lagu jiro fasaxa, iyagoo rajeenaya in marka Talaalkan si fiican loo dhaqan geliyo la khafiifin doona bandowga saaran ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa shacabka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *